Madaxweynaha Puntland Faroole oo Ka Hadlay Xiriirka Dowlada iyo Puntland

Filed under: Somali News |

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo kahadlay xiriirka dowlada federaalka iyo Maamulka Puntland ee mudootinkii dambe ahaa mid uu mugdi ku jiro ayaa waxa uu sheegay in soo laabashada xiriirkii ka dhaxeeyay dowlada federaalka iyo Maamulka Puntland ay ku xiran tahay sida uu sheegay Faroole in dowlada ay wax ka badesho qaabka ay imika wax u wado oo uu tilmaamay in uu hareer marsan yahay nidaamka federaalka oo dowladu ku dhisan tahay.

Faroole ayaa sheegay in dowlada federaalka ay ceeb ku tahay in ay ku dhaqmi weyso nidaamkii ayada lagu soo dhisay oo uu ku qeexay nidaamka federaalka, waxa uu faroole tilmaamay in dowlada Maamulka Puntland xiriirkooda uu kusoo noqon karo kaliya in dowlada ay dib ugu laabato dastuurka dalka oo uu sheegay in imika dowlada aysan ku dhaqmeyn.

Faroole ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland oo lagu kala diray Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo waqtigu ka idlaaday, ayadoona Maamulka Puntland uu horaan u shaaciyay in uu xiriirka u jaray dowlada federaalka, ayagoona taa sabab uga dhigay in dowlada ay hareer martay nidaamkii federaalka iyo dastuurka dalka, sida ay hadalka u dhigeen

Shortlink:

Posted by on November 1, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.