Al-Shabaab oo dagaal ay ku qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ee B/weyne oo jab ka soo gaaray. (Sawiro)

Filed under: Somali News |

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamad dowlada iyo AMISOM oo isku dhinac iyo Malayshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo gaystay khasaare lixaad leh.

DSC04571[1]

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in khasaare dhismaho iyo dhaawac faro badan ka dhashay, iyadoo dagaalkaasi looga dilay Shabaabka ilaa 17- Maleeshiyo oo ay ku jiraan laba hogaamiye Maleeshiyo.

Ragga caanka ah ee Shabaabka dagaalkaasi looga dilay waxaa ka mid ahaa C/raxmaan Qaxwo nin lagu magacaabi jiray , inkastoo aanu jirin cid si rasmi ah u xaqiijineysaa sheegashada waxyeelada Shabaab gaartay

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM lama oga khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkaasi, walow la sheegay in dhankooda dhimasho iyo dhaawac ay jirto ciidamada dowlada oo ay hogaaminayaan maamulka ugu sareya gobalka iyo saraashiisa maamulka ayaa ku dhaqaaqay dhanka degaanada la aaminsan yahay inay Shabaabku iska soo abaabuleen.

Dhanka kale waa dagaalkii ugu horeyay oo ay ciidamada Djibouti ee AMISOM ay ka galaan gudaha magaalada Baladweyne tan iyo markii ay gobalkaas gaareen muddo ku siman 6- bilood

DSC04569[1]DSC04564[1]

DSC04567[1]

waxaad nagala soo xariir taan waxaa faafaahin dheraad ah all kismayo.com

Shortlink:

Posted by on February 1, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.