Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuntay Wariye C/Casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday

Filed under: Somali News |

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta xukun adag ay ku riday Wariye C/Casiis C/Nuur Ibraahim (Koronto) iyo haweeneydii la kufsaday.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxay ahayd mid hal dhinac ah, iyadoo Maxkamada la keenay dacwad ay soo oogeyn Xeer Ilaalinta, waxayna Maxkamada go’aamisay xukunkaan adag.

Xeer Ilaaliyaha qaranka oo dacwada ku soo oogay ayaa ka sheegay Maxkamada in Wariyaha sameeyay dambi been abuur ah, isla markaana markii baaritaan la sameeyay ay dhab noqon weyday.

Maxkamada ayaa waxay ku dhawaaqday xukun min hal sano ah oo ay ku kala riday Wariye C/Casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday, oo magaceeda lagu soo koobay Luul.

Seddex ruux oo lala soo xiray Wariyaha iyo haweeneydaan, ayaa waxay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay inaysan wax dambi ah laheyn, isla-markaana ay sii deysay.

Shortlink:

Posted by on February 5, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.