Warbixin ku saabsan xaalada magalada Kismaayo iyo rag lagu qisaasay shaley magalada

Filed under: Somali News |

Wararka ka imaanaya magalada kismaayo ayaa sheegaya in shaley lagu toogtay 2 nin oo iyagu horey dil uga geestay 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada somaaliya, labadan nin ayaa waxaa soo xeray beeshooda ka dib markii ay ku guuleysan waayeen ciidamada amniga ee magalada Kismaayo in ay soo qabtaan, nimankaan oo ilaa iyo xiligii la soo qabtay ku xernaa saldhiga booliska magalada Kismaayo ayaa waxaa la isku af gartay in la qisaaso ( toogto) iyada oo la xeerinaayo heshiis beeled ka dhexeeya beelaha ay ka soo jeedan askarta horey loo dilay iyo raga hada la qisaasay.
Dhan kale waxaa aaga Aboorow oo 5 km u jirta garoonka diyaaradaha Kismaayo ku sugan Ciidamo ka tirsan ciidamada qaranka soomaaliya oo iyagu isugu jira beelo kala duwan oo ka soo jeeda gobolada Juboyinka iyo Gedo.
Ciidamada ayaa waxaa horey la isugu af gartay in ay soo galaan magalada Kismaayo oo ay ku biiran kuwa dowlada ee Kismaayo ku sugan, arintaan ayaa suuragal noqon weyday ka dib markii ay diideen ciidamadan in ay qoryaha tecnikada loo yaqaano ku wareejiyaan ciidamada Raskamboni ee ka tirsan isbaheysiga kismaayo ka xureeyay shabab, arintaas oo ay codsadeen mamulka KMG ah ee Kismaayo ka taliya. Qaar ka mid ah sarakisha ciidamda dowlada oo kismaayo ku sugan ayaa noo sheegay in ay arinto meel fiican mareyso oo ay ciidmada Kenya ku amreen ciidamada in ay halkooda joogaan ilaa inta ay ka xalinayaan khilafaadka haatan taagan.

Xafiska allkismayo ee Mugdisho

allkismayonews@gmail.com

 

Shortlink:

Posted by on March 10, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.