Diblomaasiyiin Soomaali ah oo uu tababar uga socda dalka Koofur Afrika

Filed under: Somali News |

Diblomaasiyiinta ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya oo tiradooda gaareyso tahay 21 diblomaasi ayaa tababar heerkiisu sareeya uga socda dalka Koofur Afrika.

Tababarkan oo galay wajigiisa labaad ayaa Diblomaasiyiintan waxay ku qaadanayaan Machadka Tababarka, cilmi baarista iyo horumarinta Akadeemiyada Diblomaasiyada ee wasaarada arrimaha dibada Koofur Afrika.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koofur Afrika iyo Diblomaasiyiin ayaa casharo ka bixinaya tababarkan, iyadoo diblomaasiyiinta Soomaalida ay qaadanayaan maalintiiba 8-saacadood oo casharo ah, waxaana casharada ka mid ah dib u qaabeeyaan baratakoolka guud ee dowladda Soomaaliya ,hagaajinta habka shaqo ee Wasaaradda iyo Safaaradaha ,dejinta istiraatiijiyadda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ee dowladda.

Tababarkani oo soo afjarmaya dhammaadka bishan March ayaa waxaa lagu wadaa inay xafladda xiritaanka ee shahaadada lagu gudoon siinayo diblomaasiyiinta Soomaalida ay ka soo qeybgasho Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ,Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo iskaashiga ee dowladda South Africa Marwo Maite Nkoana-Mashabane iyo Mas’uuliyiin kale .

Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka ayaa aad u xoogeystay sanadkan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay geedi socod dardar geliyay Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

allkismayo.com

allkismayonews@gmail.com

Shortlink:

Posted by on March 11, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.