Koox ka tirsan xarakada Al-shabab oo werar ku qaaday ciidamada dowlada agagaarka Jazira

Filed under: Somali News |

Xaaladda degaanka Jasiira ee duleedka magaalada  Muqdisho ayaa saakay degan kaddib markii shaly gelinkii dambe halkaasi ay ka  dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada ururka  Al-Shabaab, dagaalkaasi oo socday muddo ka badan hal saac ayaa waxaa ka dhashay  qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya  iyo dad rayid ah.Wararka ayaa sheegaya in dagaalka shalay gelinkii dambe  ka dhacay degaanka Jasiira ay ka dambeysay kaddib markii ururka Al-Shabaab ay  soo weerareen fariisimooyin ciidamada halkaasi ay ku lahaayeen.

Ciidamada  Dowladda ee maamulka degmada Wadajir ayaa jilibka dhulka u dhigay inay iska  caabiyeen weerarka ay maleeshiyada ururka Al-Shabaab degaankaasi ku soo qaadeen,  iyadoo wararku intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladda ay uga dhaawacmeen ilaa  saddex askari, halka maleeshiyaadka AlShabaab dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen  ilaa afar maleeshiyo tiro intaasi ka badanna ay uga dhaawacmeen.

Daryanka  rasaasta iyo madaafiicda la isweydaarsanayay ayaa laga maqlayay masaafo ka badan  1Km, iyadoo maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab markii dambe laga saaray goobtii uu werarka ka dhacay, kooxda Al-shabab ayaa soo qaada weeraro noocaan oo kala ah ilaa markii looga xoog roonaday magalada Muqdisho

Xafiska wararka allkismayo.com

allkismaayonews@gmail.com

Shortlink:

Posted by on May 30, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.