Wararkii ugu dambeeyey ee Tahriibayaal Somali ah oo Badda Talyaaniga ku dhex go’doonsan

Filed under: Somali News |

Ciidamada illaalada xeebaha waddanka Talyaaniga ayaa sheegay inay heleen qeylo-dhaan xalay kaga timid doon ay la socdaan illaa 200 oo tahriibayaal Soomaali iyo Eritrean la socdaan oo ku wajahan xeebaha dalka Talyaaniga.

Warkaan oo ay baahisay wakaaladda Wararka dalka Talyaaniga ee ANSA ayaa waxaa lagu sheegay in doontaan oo todobaadkaan gudihii ka shiraacatay dalka Libya ay ciladi ku timid waxaana ciidamada badda Talyaanigu sheegeen inay baadi goob ugu jiraan.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in doontaan tirada dadka Soomaalida ah ee la socda ay gaarayaan 120 ruux kuwaasoo ay ku jiraan 30 dumara iyo 20 caruur ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada illaalada xeebaha Talyaaniga ah u sheegay wakaaladda ANSA inay aaminsan yihiin doontu willi ku jirto biyaha Libya hase ahaatee ay u gurman doonaan.

Warbaahinta ayaa qaar sheegay in xiriir ay tahriibayaashaan la sameeyeen ay u sheegeen in saadkii uu ka go’ay doontuna ciladaysan tahay oo biyo u galeen Todobaadkii hore ayay aheyd markii doon ay la socdeen 500 oo tahriibayaal ah oo u badnaa Soomaali iyo Eritrean ay ku degtay meel u dhaw xeebta jaziiradda Lempadusa ee dalka Talyaaniga halkaasoo ay ku naf waayeen qaar ka mid ah dadkii doonta la socday.

Sideedii bilood ee ugu horeysay sanadkaan waxaa ay Q,M sheegtay in dalka Talyaaniga ay tageen tahriibayaal tiraadoodu gaarayso (21,241) ruux.

 

Shortlink:

Posted by on October 11, 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.